Somali News

Xasan Sheikh oo walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee dalka

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay xaaladda uu dalku ku jiro.

Xasan Sheikh ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed eek u nool magaalada Kismaayo lana saaray cuna qabateynta ay dowladdu nasiib darro wayn ka wajaheyso, maadaama ay ku sifowday dowladd shacabkeedii cuna qabatayneysa.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ayuu Xasan Sheikh ku eedeeyay in ay gabi ahaanba baal mareen sharuucdii dalka,  “Anagaa dalkaan soo joognay 30 sano oo burbur ah, hadaad idinka ka maqneydeen ogaada waxaad heysaan waddadii lagu hungoobay oo lagu dumay ka jooga”ayuu yiri Xasan Sheikh.

Shacaka Muqdisho ayuu sheegay in nolosha ay ku adkaatay ka dib markii Wadooyinka laga xiray, islamarkaana hadda ay wajayaan xaalad adag oo ay macquul tahay in ay sababto kacdoon dadweyne.