Somali News

Xasan Shiikh oo DFS ku eedeeyay in dalka ay gelisay dib u dhac baahsan

Kaddib markii dhawaan guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya uu soo saaray liis xildhibaanno ah, kuwaasi oo ku sheegay inay ka shaqeynayaan doorashooyinka xildhibaannada ka imaanaya gobolada waqooyi ayaa arrimahaasi waxaa ka hadlay madaxweynihii hore ee soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in dowladda looga baahanyahay in doorashada xildhibaannada ka imaanaya gobolada waqooyi ay dadkoodii u madax banaaneyso, islamarkaana ay dhageysato hadalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Sidoo kale  Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku eedeyay hoggaanka dowladda 4ta sano ee dalka ay maamulayeen aysan gaarsiinin horumar siyaasadeed, balse uu sheegay  inay dalka geliyeen dib u dhac baahsan.

Xasan Shiikh ayaa hadalkan waxaa ka sheegay wareysi uu siiyay TV-ga Somali Cable.