Somali News

Xasan Shiikh oo khadka taleefoonka kula hadlay Amiirka Qatar

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wada-hadallo khadka taleefoonka ah la yeeshay tan iyo markii la doortay 15-kii Bishii May ee sanadkan 2022 Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo horumarin lahaa, iyadoo dib u eegis lagu sameeyay xaaladihii ugu dambeeyay Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha dib loo doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ballan qaaday in dowladdiisa ay si dhow ula Shaqeyn doonto.