Somali News

Xasan Shiikh oo soo dhaweeyay ciidamada Mareykanka ee dib ugu soo laabanaya Soomaaliya

Madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horey ka hadlay go’aankii uu madaxweynaha mareykanka ku saxiixay in ciidanka dalkaasi dib ugu soo laabtaan Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Twitter-ka Villa somalia.

Xasan Shiikh ayaa madaxweynaha Maraykanka Jeo Biden uga mahadceliyey in ciidamo cusub uu u soo diro Soomaaliya, si ay usii kordhiyaan weerarada ka dhanka ah Al Shabaab.