Somali News

Xiisad dagaal oo ka taagan deegaan ka tirsan gobolka Mudug

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Xiisad dagaal oo u dhaxeeysa laba maleeshiya beled oo caawa ka taagan Deegaanka Holdooyaale oo ku yaalla inta u dhaxeeysda Xinlibe iyo Barraag-qubeys oo ka tirsan gobalka Mudug.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in xiisadda ay salka ku heyso aano qabiil oo u dhaxeysa laba maleeshiyo.

Saraaliil ka tirsan Ciidamada Xoogga qeybta 21-aad ayaa wada dadaalo looga hortago in halkaasi dagaal uu ka dhaco.