Somali News

Xiisad ka dhalatay hadalkii Trump ee biya xireenka Nile oo cirka isku sii shareertay

Dowladda Itoobiya ayaa ka dalbatay Mareykanka inay sharaxaad ka bixiyaan hadal ka soo yeeray madaxwayne Donold Trump.

Qoraal ay soo saartay wasarada arrimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in wasaaradda ay u yeertay safiirka Mareykanka u fadhiya magaalada Addis Abab.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Gedu Andargachew, ayaa xafiiskiisa ugu yeeray safiirka Mareykanka ee itobiya Mike Raynor si uu sharaxaad uga bixiyo hadalkii Trump ee ahaa in Masar ay burburin karto biya-xireen ay Itoobiya ka dhisayso wabiga Nile.

Mr. Gedu ayaa hoosta ka xariiqay inay marin-habaabin tahay wararka sheegaya in biya-xireenka uu hakinayo qulqulka biyaha wabiga Nile.

Bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sidoo kale waxaa wax aan la aqbali Karin ku tilmaamay in madaxwayne Mareykan ah oo xil haya uu huriyo colaad dhexmarta Masar iyo Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalak Itoobiya ayaa dhanka kale u sheegay safiirka Mareykanka in Itoobiya aysan waligeed ka baqin hanjabaad ka dhan ah madaxbanaanideeda, islamarakna ay diyaar u yihiin inay sii wadaan wadaxaajoodka ay gar-wadeenak ka yihiin midowga Afrika.

Mar sii horreysay ria’sul wasxaaraha dalka Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisa ” uusan u dulqaadan doonin daandaansi ama gardaro noocey doonto ha ahaa ” ka dib markii madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Masar ay burburin karto biya-xireenka ay Itoobiya ka dhistay wabiga Nile.

Abiy Ahmed si toos ah ugama jawaabin hadalka Trump, balse waxaa muuki shaki ah waxa ku kalifay Mr Trump hadalka uu sheegay.

Abiy ayaa wacad ku maray in Itoobiya ay dhameystiri doonto Biya-xireenka.

“Itoobiya isma dhiibi doonto gardara noocey doonto ha ahaatee,” ayuu yiri.

“Itoobiya waligeed jilbaha uma dhigan oo ma adeecin cadowgeeda, balse waxay xushmeysaa saaxibadeed, ma sameynayno maanta mustaqbalkana ma sameyn doono.”

Hanjabaad kasta oo arrintan ku saabsan waa “mid aan loo meel dayin, oo aan natiijo ka soo baxeyn islamarkana jabinaysa shuruucda caalamiga ah”. Ayuu intaa ku daray.