Somali News

Xiisad u dhaxeyas Al-shabaab iyo Daacish oo ka taagan Bu’aale.

Bu’aale-KNN-Wararka ka imaanaya gobolka Jubada dhexe ayaa soo sheegaya in maanta halkaasi ay ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeysa Al-shabaab iyo Daacish.

Xiisadaan ayaa salka ku heysa dil Al-shabaab ay halkaasi ugu geesteyn Sarkaal sare oo ka tirsan Daacish. Goob joogayaal ayaa soo sheegaya in dhaq-dhaqaaq ciidan uu ka jito gudaha magaalada Bu’aale ee gobolka Jubada dhexe.

Lama oga halka ay ku dambeyn doonto xiisadda ka taagan Bu’aale ee u dhaxeysa Al-shabaab iyo Daacish.