Somali News

Xiisadii ka dhalatay Ciidanka ee Baladweyne oo aan xal laga gaarin

Taliyaha Guutada shanaad Qeybta 27ee Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed Gashaanle Sare Faarax Cali Waasuge ayaa galinkii danbe ee maanta tababar u soo xiray Ciidamo tababar uga socday xerada Lamagalaay ee Magaalada Baladweyne.

Ciidamadaan tababarka loo so xiray ayaa ahaa kuwii maal mahaan muranka iyo xiisada ka abuuray Baladweyne, Waxaana buuq uu ka dhshay kadib markii ay Saraakiil ka timid dhinaca Gobolka Galgaduud oo doonayay in ay qadaan ciidamadaan tababarka u soo dhamaaday.

Dadka deegaanka ayaa ka war helay in Baladweyne laga qaadayo ciidamo tabar u soo dhamaaday kuwaas oo aan la siin dharka ciidankaiyo agab waana arinta sababatay in waxgaradka Gobolka ay ka biyo diidaan in ciidamadaan loo qaado Gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale warar soo baxay goor dambe ayaa sheegaya in ciidamadii ka socday qeybta 21-aad ee Ciidamada Xooga Dalka oo maalmihii ugu dambeeyay Beledweyne ku sugnaa ay goordhaw ka ambabaxeen magaalada iyagoo ku siijeedo Gobalka Gal-gaduud oo markii hore ay ka yimaadeen.

Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidamada Xooga Dalka Gashanlle Sare Cabdi Casiis Cabdullahi (Qoojo) ayaa ciidanka Beledweyne isaga baxay hoggaaminayay waxeyne magaalada Beledweyne u soo gaareen in Ciidamada tababarka loogu soo gabagabeyay xerada gaaska 5 aad ee Lamagalaay. Ciidamadan Cusub ee ayay dowlada Soomaaliya u diyaarineysaa ka mid noqoshadooda Ciidamada Xooga dalka.

Balse wali waxaa muuqata in aan xal dhab ah laga gaarin xiisada ka dhalatay qaadista ciidankaas ku sugan Magaalada Baladweyne.