Somali News

Cosoble “R/Wasaarihii lasoo magacaabo waa in doorashada uu ku qabto waqtigeeda”

Muqdisho-KNN-Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo ka hadlay shirka beelaha Mudullood ayaa sheegay in ay muhiim tahay in shirka beesha ay ka soo baxdo natiijo loo aayo.

Cabdulqaadir Cosoble oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaha la soo magacaabi doono, xataa hadii uu isaga noqdo looga baahanyahay in dalka uu ku hago doorasho waqtigeeda ku dhacda.

Xildhibaan Cosoble ayaa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu saxiixo kuraasta metelaada ah ee Aqalka Sare laga siiyay gobolka Banaadir.

“Golaha Shacabka waxaa ay ansixiyeen in 13 kursi laga siiyo gobolka Banaadir, waxaa leenahay Madaxweyne Farmaajo weli agtada ayay yaallaa metelaadda Muqdisho, ee saxiix si bulshada Banaadir xaqooda ay u helaan” ayuu yiri Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble.