Somali News

Xildhibaan Afaraale: “Ergadii aniga isoo dooratay waxaa u yeeray Al-Shabaab oo hadda way ku maqanyihiin”

Muqdisho-KNN-Xildhibaan Maxamed Xuseen “Afaraale oo maanta hadal ka jeediyey kulankii  Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay dhibanyihiin Ergadii soo dooratay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaaa carabka ku adkeeyey in Al-Shabaab ay dhibaato ku hayaan dalka, dowladdana looga baahan yahay inay waxka qabato.

Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka ayuu sheegay in ay u yeerayaan Al-Shabaab,  isagoo xusay in Ergadii isaga soo dooratay ay haatan ku maqanyihiin Al-Shabaab oo uga yeeray deegaanka iidaale ee Gobolka Bay oo ka mid ah goobaha ay maamulaan.

“Ergooyinkii nasoo doortay Xildhibaanadeena 275-ta ah waxaan maqlay in dhamaantood looga yeerayo goobahaha ay ka howlgalaan Al-Shabaab, anigaan idinla hadlaya Ergadii beesheyda eheed ee isoo dooratay maanta waxa ay jiraan deegaanka iidaale oo looga yeray Xildhibaan kastana Ergadii soo dooratay waa loo yeerayaa, nimankaas aan u midowno oo aan iska celino, dalkaan aan kusoo celino sidii uu ahaan jiray, waxa nala dagay waa qabiil Shabaab-na qabiil maleh”, ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Afaraale.

 Hadalkaas uu maanta Xildhibaan Afaraale ka jeediyey kulankii Golaha Shacabka ayaa kusoo aadaya iyadoo la dilay qaar ka mid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada labada Aqal Baarlamaanka 10-aad ee  Soomaaliaya, iyadoo dilalka Ergadaas ay mas’uuliyadooda dusha uriteen Al-Shabaab.