Somali News

Xildhibaan Cabdi risaaq Jindi “Waa sharci daro in nin Ajnabi ah laga dhigo Gudoomiyaha Bandhiga dhexe”

Muqdisho-KNN-Xildhibaan Cabdi Risaaq Axmed Maxamed Jindi oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa waxaa uu ka hadlay qorsho la sheegay in Bankiga dhexe Gudoomiye looga dhigo Nin Ajnabi ah.

Waxaa uu  ka digay xildhibaanka in qorshahaasi  la doonayo in Bangiga Dhexe Madax looga dhigo nin Ajnabi ah, arintaasi ay dhibaato ka dhalan karto, isagoona sheegay in qorshahan maalmihii la soo dhaafay aad loo hadal haayay.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa xusay  in soo jeedin ku aadan  wax ka bedelka sharciga Bangiga Dhexe la doonayo in maalinta Isniinta la horkeeno Baarlamaanka, si Bangiga Dhexe loogu dhiibo qof ajnabi ah, taasina aysan dhici Karin.

Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa shaaca ka qaaday in xildhibaano badan oo ka tirsan Golaha Shacabka ay arintaasi si aad ah ay ugu soo horjeedaan.

Lama oga waxa iska badeli kara qorshahan la doonayo Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya laga dhigo qof ajnabi ah.