Somali News

Xildhibaan Mahad salaad oo su’aallo ka keenay sharcigii uu maanta saxiixay Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho-KNN-Mahad Maxamed Salaad oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa su’aallo ka keenay sharcigii uu maanta saxiixay Madaxweyne Farmaajo.

Mahad Salaad ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu sharcigaan barkanaa muddo 10 bilood ah, isagoo soo bandhigay su’aalo uu ka qabo waxa maanta oo ay madaxweyne Farmaajo u harsantahay sanad iyo Afar bilood kusoo beegay ansixinta sharciga dhismaha guddiga la dagaalanka musuq maasuqa.

“Sharcigaan Madaxweyne Farmaajo 10 bilood ayuu barkanaa maxaa soo kordhay oo saxiixiisa maanta kusoo beegay,? Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa-banaan ee la-dagaalanka Musuq-maasuqa ee Madaxweyne Farmaajo maanta saxiixay, Golaha Shacabka wuxuu ansixiyay 13 Nofeember 2017, Aqalka Sare wuxuu ansixiyay 05 Diseembar 2018. Kadibna Madaxweynaha ayaa loo gudbiyay si uu u saxiixo” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Sidoo kale Mahad salad ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Mudo 10 bilood ah ayaa Madaxweyne Farmaajo barkanaa sharcigaan, kumana soo celin Goleyaasha Barlamaanka si wax looga badalo mana saxiixin. Haddaba waxaa iswaydiin mudan”.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah xildhibaanada sida weyn u mucaarada dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay seddax su’aalood oo uu ka qabo ansixinta sharciga mudada 10-ka bilood ah horyaalay Madaxweynaha.

Su’aalaha Mahad Salaad ayaa u dhignaa sidan:

1. Maxaa soo kordhay oo saxiixa sharcigaan maanta kusoo beegay?

2. Guddigaan malagu soo xuli doonaa aqoon, karti iyo waayo aragnimo mise wuxuu noqon doonaa gudi loogu talogalay doorashada 2021 si dadka qaar Madaxweyne Farmaajo looga reebo?

3. Madaxweynaha oo mudo xileedkiisa ay ka harsantahay sanad iyo afar bilood oo kaliya gudi uu soo dhiso maxaa wanaag ah oo laga filan karaa?.