Somali News

Xildhibaanada Golaha shacabka oo beri kulan ku yeelanaya Muqdisho

Xildhibaannada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee Muddo Xilleedkiisu Dhammaaday ayaa beri kulan ku yeelan doono magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka golaha shacabka ayaa ah

  1. Akh 3aad ee W/Kabadelka Sharciga Waxbarashada Heerka 1aad, 2aad iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya
  2. Warbixin ku sahabsan wax – qabadkii 100 maalmood ee XJFS (qaybin)
    Saacadu waa 09:00 subxanimo

Guddoonka golaha shacabka ayaa xildhibaanada u diray fariin lagu wargelinayo in beri uu jiro kulanka mudaneyaasha golaha shacabka.

Fariinta loo diray xildhibaannada ayaa sidan u qorneed

Beri oo Isniin ah 08 February, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka.

Agendaha

  1. Akh 3aad ee W/Kabadelka Sharciga Waxbarashada Heerka 1aad, 2aad iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya
  2. Warbixin ku sahabsan wax – qabadkii 100 maalmood ee XJFS (qaybin)
    Saacadu waa 09:00 subxanimo

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu hortagi doona xildhibaanada Golaha Shacabka.

Kulanka beri ee uu ku hortagqyo R/wasaare Rooble ayaa u muuqdo mid lasoo hormariyay, maadaama uu qorshuhu ahaa in 9 bisha oo ku beegan maalinta Talaadada uu hortago xildhibaanada golaha shacabka