Somali News

Xildhibaanada mucaaradka oo sheegay in ay halis ku jirto Naftooda, kuna dhawaaqay Kutlad Cusub

Ku dhawaad 100 mudane oo ka tirsan Xildhibaanada Mucaaradka labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada mucaaradka ayaa sheegay in ay ku dhawaaqeen kutlo ay ugu magac dareen(Kutlada badbaada qaran), iyagoona sheegay in ay sameysteen guddiga ka kooban 11 mudane, kuwaasi oo si weyn ugu soo horjeeda madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddo xilkeedka uu ka dhammaaday madaxweyne Farmaajo, islamarkaana waxaa uu sheegay in xukuumadda ay ku fashilantahay in ay doorasho ka qabato dalka.

Sidoo kale Mahad Salaad ayaa cambaareeyay ciidamo dharcad ah oo ka tirsan Nabad sugida Soomaaliya oo maalmihii dambe la geynayay xarunta golaha shacabka, isagoona sheegay in ay arrintaasi ay ka xun yihiin, islamarkaana waxaa uu tilmaamay in xildhibaanada ay halis ku jirto naftooda.

Xildhibaabad Mahad Salaad ayaa sheegay in marnaba aysan xildhibaanada aqbali doonin in xukuumadda ay dalbato muddo kordhin, maadaama uu sheegay in ay fashilan tahay.