Somali News

Xildhibaannada Golaha deegaanka Gaalkacyo oo maanta Lagu dhawaaqay.

Gaalkacyo-KNN-Xildhibaannada Golaha degaanka Magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa maanta rasmiga loogu dhawaaqay, kadib markii madaxweyne Deni uu maalmo ka hor magacaabay xubnaha soo xulaya Xildhibaannada.

Xubnahan xildhibaannada ah ayaa ka kooban 31 xubnood, waxaana ku jira xubno cusub oo aan ka mid aheyn Xildhibaannadii hore ee Golaha degaanka Gaalkacyo, iyadoona ay xusid mudan tahay in lix ka mid ah ay yihiin dumar,waxaana sidaasi sheegay wasiirka arimaha gudaha ee Maamulka Puntland.

Dhawaan ayaa la filayaa in Xildhibaannada Golaha deegaanka ay doortaan Guddoomiyaha Golahaasi.

Halkan ka akhriso