Somali News

Xildhibaano baaq u diray beelaha ku dagaalamaya Hiiraan.

Muqdisho-KNN-Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay Gobalka Hiiraan ayaa maanta waxaa ay si kulul uga hadleen colaada u dhexeysa beelaha walaalaha ah ee dega duleedka Degmada Maxaas ee Gobalkaasi.

Mudanayaasha ayaa waxaa ay baaq nabadeed u direen dhinacyadda ku dagaalamaya deegaan hoostaga degmada Maxaas, waxaa ayna sheegeen inay aad ugu xun yihiin dagaal beeleedka.

Xubnaha xildhibaanada ah ee maanta la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ka mid ah:-

1-Cabdirisaaq Axmed Maxamed.
2-Nuur Iidoow Beyle.
3-Cabdirisaaq Cumar Maxamed.
4-Farxiyo Muumin Cali.
5-Maxamed Xasan Qoone.
6-Cabdullahi Goodax Barre.

Ugu dambeyn xildhibaanada ayaa odayaasha dhaqanka ka dalbaday in ay ku baxaan sidii ay u Damin lahaayeen colaada ka taagan dulaadka Degmada Maxaas.