Somali News

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Gaaray Garoowe.

Garoowe-KNN-Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay deeganada Puntland ayaa maanta gaaray Garoowe ee Gobalka Nugaal.

Mudanayaasha maanta tagay Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi, waxaana lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Garoowe.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii maamulka puntland uu sheegay in masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shaqaalahoodaba aysan tagi karin dhamaan deeganada maamulkaasi.