Somali News

Xiliga uu furmayo kalfadhiga labaad ee baarlamaanka Galmudug oo la shaaciyay

Waqtiga rasmiga ah uu furmayo kalfadhiga labaad ee barlamaanka maamul goboleedka Galmudug ayaa shaaca laga qaaday .

Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha golaha wakiilada galmudug maanta oo axad ah ayaa lagu iclaamiyey xilliga rasmiga ah ee u furmayo kalfadhiga labaad ee baarlamaankaas xilli bilihii la soo dhaafay xildhibanada ay ku jireen fasax qaar ka mid ahna ay ka ku maqnaayeen deegaanada maamulkas

Warka Qoraal ah ee ka soo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa waxaa lagu sheegay in Kal-fadhiga Labaad ee Baarlamaanka Galmudug uu furmi doono Khamiista soo socota kuna beegan 27-ka Bishan sida ku Cad Fariinta loo diray Dhamaan Xubnaha Baarlamaanka Galmudug.