Somali News

Xilka qaadis lagu sameeyay guddomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka qaran.


Muqdisho-KNN-Guddiga Madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa xilka ka qaaday Guddoomiye ku xigeenka Guddiga isla mar ahaanta ka saaray xubinnimada.

Guddiga Warqad ay soo saareyn ayaa waxaa ay ku sheegeyn in Kiiskan uu soo socday muddo lix bilood ah, waxana gabagabadii guddigu soo saareen go’aan ay ku caddaynayan in ay xilka iyo xubinnimada labadaba ka qaadeen M.ne Sayid Cali sheikh Maxamed  oo ahaa xubin ka tirsan isla mar ahaantana ahaa guddoomiye ku xigeenkii guddiga.

Guddigu wuxuu gudoomiye ku xigeenka la eryay ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu dumiyay Guddiga isagoo ka faa’iideeysanayaa xilka iyo masuuliyadda uu hayay  Iyo in uu ku tuntay qodobo ka mid ah Sharciga guddiga u yaalla.

Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood ayaa la aasaasay April 2, 2015.  Go’aankan cayrinta xubinta guddiga ayaa ah  kii u horreeyey ee guddigu ku qaado xubin ka tirsan.

Majirto jawaab ay Warbaahintu heshay oo kasoo baxday Gudoomiye ku xigeenka xilka iyo xubinimadda laga qaaday ee Guddiga Doorashooyinka Sayid Cali Sheekh Maxamed.