Somali News

Xisbiga Dimuqraadiga oo faafiyey qaraar cusub oo xilka looga qaadayo Trump

Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka, Nency Pelosi, ayaa sheegtay, in ay xilka qaadi doonaan madaxweyne Trump haddii uusan is casilin.

Aqalka Wakiillada oo ay aqlabiyadduusu hadda heystaan Dimoqraadiga ayaa diyaarinaya qodobka xil-ka-xayuubinta madaxweynaha, kaasoo oo ay warbaahinta Mareykanku ku sheegeen inuu noqon doono “Kicinta Kacdoon lagu ridi rabay dowladda”.

Qodobkaasi ayaa madaxweynaha ku eedeynaya inuu dhiirrigeliyay rabshado ka dhacay xarunta Koongareeska, kaasoo ay ku dhinteen ilaa iyo shan qof.

Haddii ay Aqalka Wakiillada xilka ka qaadaan madaxweynaha, si taasi ay ansax u dhaqangasho waxay u baahnaan doontaa in Aqalka Senatka ay Iyana xilka ka qaadaan, taasoo u baahnaan doonto in qaar ka mid ah mudanayaasha Jamhuuriga o oleh aqlabiyadda golahaasi ay ku biiraan xildhibaannada dimoqraadiga.

Trump ayaa lagu wadaa inuu xafiiska ka tago laba iyo toban maalmood guduhood. Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in xil ka qaadis lagu sameeyo madaxweynaha ka hor xilligii loo asteeyay ay sii kala qeybineyso dalka.

Mid ka mid ah xubnaha sare ee golaha wasiirrada Mareykanka ee u dhowaa madaxweynaha ayaa ku biirtay liiska dadkii dhowaan is casilay, sababo la xiriira khudbaddii uu madaxweynuhu u jeediyay dibadbaxayaasha kahor intaysan weerar ku qaadin kongareeska.

Xoghayaha waxbarashada, Betsy DeVos ayaa sheegtay in laga habboonaa wixii dhacay Arbacadii. Hoggaamiyeyaasha dalalka caalamka ayaa canbaareeyay qalalaasihii ka dhacay magaalada Washington kaddib markii taageerayaasha madaxweyne Donald Trump ay weerar ku qaadeen xarunta Capitol ee fariisinka u ah dowladda Mareykanka.