Somali News

Xisbiga wadajir oo si kulul u eedeeyay madaxda dowladda iyo ciidanka AMISOM

Muqdisho-KNN-Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishaakuur Warsame ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray xayiraadii dowladda federaalka ay shalay u gaysatay madaxweyne ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed.

Sidoo kale xisbiga ayaa war-saxaafadeedkiisa uga hadlay xayiraada dhanka duulimaadka ah ee la saaray Jubbaland iyo sidoo kale weerarkii Al-shabaab ku qaadeen saldhigii ciidanka xoogga dalka ee deegaanka Ceel-Saliini ee gobolka Shabeellada Hoose.

Xisbiga ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay taageero ka helayaan Ciidanka AMISOM si loo caburiyo dad kasoo horjeedda.

Halkaan ka akhrio war-saxaafadeedka xisbiga:-