Somali News

Xisbiyada ka jira dalka oo ka digay in dib u dhac uu Ku yimaada doorashada 2020

Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo ka soo baxay Axsaabta siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa waxaa ay kaga hadleen xaalada siyaasadeed ee xiligaan uu dalku marayo.

Xisbiyada UPD, Ileys, Himilo Qaran, Wadajir iyo NPD ayaa isku raacay in wax laga qabto amaanka dalka, dastuurka, axsaabta siyaasadeed iyo doorashada 2020 lagu wado in ay dalka kadhacdo.

Sidoo kale xisbiyada ayaa waxaa ay ka digeen in dib u dhac ay Ku timaado doorashada 2020, iyagoona walaac ka muujiyay in mudo kordhin la sameysto.

Halkan Hoose ka Akhriso:-