Somali News

Xog ku saabsan kulan xalay dhexmaray Deni Qoorqoor iyo Lafta-Gareen

Muqdisho-KNN-Saciid Cabdulaahi Deni Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ahna Musharrax Madaxwayne ayaa xalay kulammo kala duwan la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor iyo Madaxweynaha Koofur galbeed Soomaaliya CabdiCasiis xasan Maxamed Lagta-Gareen.

Kulankaan oo ahaa mid inta badan albaabadu u xirnaayeen ayaa ujeedkiisu ahaa sidii tageero loo siin lahaa Saciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharrax Madaxwayne JFS, sida ay inoo shegeen Saraakil ka tirsan Xafiis Denni.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka codsaday sidda aan xoggta ku helnay Madaxweeynayasha Galmudug iyo Koofur-Galbeed in ay taageeraan Kana codsadaan Xildhibaanadii ay soo saareen in ay codkooda siiyaan isagga.

lama ogga in ay ka aqbaleen iyo in kale balse madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur galbeed ayaa la aminsanyahay in ay dhisi doonaan Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi maxamed Farmaajo.

Maanta ayaa lagu wadaa in Teendhada Afisiyooni ee magaalada muqdisho ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ah mid aad uxiisa badan oo ay sugayaan dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.