Somali News

Xog ku saabsan qaraxii isgoyska Sayidka.

Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay iskoyska sayidka bar control oo laga ilaaliyo madaxtooyada soomaaliya .

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay dhamaan xafadaha magalada muqdisho waxaa ka dhashay qasaaro iskugu jira dhimasho dhaawac lyo burbur hantiyadeed.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaa ku dhintay ugu yaraan  6 qof halka dhaacawa uu maraayo ugu yaraan isna 15 ruux .

Dhimashada iyo dhaawaca ka soo qaraxaan waxa uu geystay qasaaro hantiyadeed waxaana burbur uu soo gaaray goobo ganacsi oo halkaasi ka agdhwaa waxana sidoo kale gaadiid garaya 10 baneyo ay halaaksi ay ku gubteen.

Dadka ku dhintay qaraxaan waxaa ka mid ah agaasimihii maamulka iyo maaliyada wasarada haweenka  bile ismaaciil diiriye iyo cabdirashiid sharaar oo kamid ahaa saraakiisha golaha shacabka.

Warar hoose oo aan heleeno ayaa sheegaya in garigaan  ruuxii la socday uu isku dayay in uu aqoonsi uu ku soo maro contorlkaasi balse ay ka biyadiideen ciidamadii goobtaasi ku sugnaa qaraxana uu sidaa uu ku dhacay.

Dagaalamaayasha  Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, ayada oo intaas ku dartay in ay la beegsatay “xubno ka tirsan” Villa Somalia iyo baarlamanka.

Weerarkaan  ayaa yimid iyadoo dhowr iyo taban malin laga jogo qaraxii ex control afgooye ee dadka badani ay ku dhinteen kaa oo alshabaab ay sheegteen