Somali News

Xoghayaha Difaaca Ingiriiska oo Muqdisho soo gaaray lana kulmay madaxweyne Farmaajo.

Muqdisho-KNN-Xoghayaha Difaaca UK Gavin Williamsom ayaa Magaaladda Muqdisho yimid wuxuuna la kulmay Madaxweeynaha soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxay ka wada hadleen nabadda Geeska Africa, siyaasada iyo Isbadaladda Amni ee Soomaaliya, Xoghayaha Difaacada UK ayaa madaxweeynaha Soomaaliya waxaa uu u xaqiijiyay in UK ay taageero Buuxda siineeyso Soomaaliya, sida Qoraal kooban ku sheegay Safiirka UK u adhiya Soomaaliya.

Gavin Williomson waxaa uu sidoo kale la kulma Wasiirka Difaaca Soomaaliya Xasan Cali Maxamed iyo Taliyaha Military-ga Soomaaliya General Cabdiweli Jaamac Gorod waxayna kawada hadleen dib  dhiska Ciidanka Soomaaliya.

Kulan dhexmaray madaxda AMISOM iyo Wasiirka ka socda UK ayaa sidoo kale looga hadlay halka uu marayo Qorsha kala guurka ee AMISOM ay masuuliyadda Amni ugu gacan galinayaan Ciidanka Soomaaliya.

Safiiradda Soomaaliya u jooga dalalka AMISOM ayaa ayaa Wasiirka Difaaca UK kala hadlay in la kordhiyo taageeradda caalamiga ah ee Howlagalka Midowga Africa ee Soomaaliya.

“kala guurka ayaa ugu muhiimsanaa kulanka aan la yeelanay Kuxigeenka wakiilka gaar ka ah ee Xoghayaha guud, Safiiradda Ethiopia, Kenya & Uganda, taliyaha Ciidanka AMISOM iyo ku xigeenkiisa” ayuu Bartiisa Twitter-ka ku qoray Safiirka UK ee Soomaaliya.

UK waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidan u badan Tababareyaal waxayna Caawiyaan Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Xoghayihii hore ee ingiriiska David Cameroon ayaa November 2015 kii waxaa uu ku dhawaaqay 70 Askari oo Britain ay Soomaaliya u soo dirtay si ay howlgalka AMISOm u caawiyaan.