Somali News

Xoghayaha guud ee QM oo ku wajahan Nairobi

Nairobi-KNN-Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Antonio Guteres, ayaa lagu wadaa in Todobaadka soo socda uu soo gaaro Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo halkaasi kaga qeyb geli doona shir ku saabsan ka hor tagga iyo la dagaallanka waxa loogu yeero Argagixisada.

Antonio Guteres, ayaa 10-ka Bishaan July, ka furi doona Nairobi shir ay iskugu imaanayaan Waddamada Gobolka kaas oo sida la sheegay looga hadlayo Arrimaha argagixisada, iyadoo la filayo in uu halkaasi kula kulmo hoggaamiyeyaasha geeska Afrika iyo madax kale.

Guterres ayaa sidoo kale la filayaa in uu ka qeyb qaato kulan ay Dhallinyarada Gobolka kaga hadli doonaan ka hortagga afkaarta xag-jirnimada iyo Gacan ka hadalka, sida uu sheegay afhayeenka xoghayaha guud.

Soomaaliya ayaa ka mid ah Waddamada lagu wado in ay shirkaasi ka qeyb galaan, maadaama ay Dalka ka jiraan kooxo Argagixiso ah, hayeeshee waxaa jira khilaaf Diblomaasiyadeed oo saameyn xoog leh ku yeeshay socdaalka Soomaaliya iyo Kenya, oo iyadu shirkaas marti galineysa.