Somali News

Xoghayahii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo iscasilay

Xoghayahii joogta ee xafiiska Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Subeyr ayaa goordhaw shaaciyay inuu iska casilay xilkaas.

Maxamed Abuukar Subeyr ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay inuu iska casilay xilkii uu ka haayay Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

Qoraalka ayuu ku sheegay Maxamed Abuukar inuu si iskiis ah u go’aansaday inuu xilka iska casilo, isagoona uga mahadceliyay Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre shaqadan uu horay ugu igmaday.