Somali News

Xoghayihii Gaashaandhiga Mareykanka oo shaqada laga ceeriyay.

Madaxweyne Donald Trump ayaa waxa uu shaqadii ka eryay Xoghayaha Gaashaandhigga Mark Esper, isagoo bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in sarkaalkaas sare ee Ameerikaanka ah “xilkii laga qaaday”.

Christopher Miller, oo ah madaxa Xarunta Qaran ee la dagaalanta argagixisada, ayaa durbadiiba xilkaas la wareegi doona.

Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa kaddib markii Mr Trump iyo Mr Esper ay si cad isu khilaafeen todobaadyadii la soo dhaafay.

Mr Trump ayaanan illaa hadda ogolaan in doorashada uu kaga adkaaday madaxweynaha la doortay Joe Biden, waxa uuna wacad ku maray in natiijada la shaaciyay uu maxkamad gayn doono.

Mr Esper ayaa waxa ay madaxweynaha isku-qabteen isticmaalka Aqalka Cad ee milateriga uu u adeegsaday inay ku caburiyaan deganaanshiyo la’aanta ka dhalatay dibadbaxyo loogaga soo horjeedo caddalad darrada midabka ku salaysan ee dhacayay bilowgii sanadkan