Somali News

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose.

Kismaayo-KNN-Ciidamada xoogga iyo kuwa Jubbaland ayaa maanta howl gallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos taga degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galladan oo ahaa kuwa Qorsheysan ayaa waxay ka dhaceen meel 10 KM u jirta degmada Jamaame iyagoona ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo is garabsanaya ay jiinka wabiga ka galeen deegaanka Yiirey oo aan sidaa uga fogeyn degmada Jamaame, islamarkaana waxaa la sheegay in deegaankaasi ay la wareegeen.

Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen xubno ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab, islamarkaana waxaa ay sheegeen inay nolasha ku qateen rag ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in 6 Qof oo Saddex ka mid ah ay ahaayeen Saraakiil sar sare lagu diley howlgalkii ka dhacay Gobalka Jubada Hoose.

Saraakiisha la diley ayaa lagu kala magacaabaa Cali Waraabe,Tima Jilic iyo Galley kuwaas oo Al-shabaab u qaabilsanaa deegaankaasi.

Al-Shabaabkii la weeraray ayaa la sheegay in degmada Jamaame ay ka soo direen gurmad gaaraya 3 Gaari oo ay saarnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ,balse Ciidamada Mareykanka oo howl galka qayb ka ahaa ayaa gabi ahaanba duqeeyay 3-dii Gaari iyo dhammaan dagaalamayaashii saarnaa, iyadoona khasaaro lixaad leh la gaarsiiyay.