Somali News

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay howlgal laga fuliyay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Wakaalada wararka soomaaliyeed ee SONNA ayaa daabacday in ciidamada amaanka ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen magaaladda Muqdisho, islamarkaana ay ku soo qabteen  labo xubnood oo ka tirsan dagaalayaasha Al-Shabaab.

Mid kamid ah Labada ruux ee lasoo qabtay ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka Qorsheysan, waxaa ayna ka qeyb qaateen Seddex Qarax oo ka dhacay magaaladda Muqdisho,kuwaasi oo lagu dhibaateeyay dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale howlgalka labaad ayaa waxaa uu ka dhacay meel u dhow garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee magaaladda Muqdisho, waxaana lagu soo qabtay xubin ka tirsan Al-shabaab.

Hay’adaha amniga sidoo kale ayaa sheegay in shaqsiga labaad ee la qabtay uu Abaabulayey qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Taliska NISA ma sheegin magacyada xubnaha la qabtay,sidoo kale ma jiraan wax loo soo bandhigay warbaahinta.