Somali News

Xubno Shabaab ah oo iska soo dhiibay gobolka Gedo

Muqdisho-KNN-Dawladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in maanta ay isku soo dhiibeen xubno ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Gedo gaar ahaan magaalada Beled Xaawo ee gobolkaasi, ayaa waxa ay sheegeen in Saddex ka tirsanaa Al-Shabaab ay maanya isku soo dhiibeen.

Maxamed Qani Shidde Ibraahim,Cabdulqaadir Ibraahim Cabdullaahi iyo Cabdicasiis Maxamed Koosaar, ayay ku sheegeen Ciidamada Xoogga Dalku xubnaha ay sheegeen in ay maanta isku soo dhiibeen.

Waxa ay intaa ku dareen in Labo ka mid ah ay wateen hubkoodii ay ku dagaalami jireen, inkasta oo faahfaahin intaasi ka badan aysan warbaahinta la wadaagin Ciidamada Xoogga ee ku sugan Gedo.