Somali News

Xubno Shabaab ah oo lagu qabtay Bakool.

Muqdisho-KNN-Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgal maanta ay ka sameeyeen degmada Waajid ee Gobolka Bakool ku soo qabtay saddex dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, sida uu sheegay  Taliyaha Ururka 260-aad qeybta 9-aad ee ciidanka xooga dalka oo ka hawgala degmadaasi Daahir Cali Mahamed.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in Shabaabka gacanta ay ku soo dhigeen ay ahaayeen kuwo  uu ku tilmaamay in ay shacabka dhibaateenayeen ,islamarkaasina ay ahaayeen madax jabis.

Ciidamada xooga dalka ayaa wada howgalo ay shabaab kaga saarayaan deegaanada ay kaga harsanyihiin dalka, sidaasi waxaa daabacday wakaalada Wararka ee SONNA.