Somali News

Nin dilay hooyadii oo xukun lagu riday

Maxkamada Gobolka Gobolka Bay, ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Mukhtaar Ibraahim Isxaaq, ka gadaal markii uu Magaalada Baydhaba ku dilay Hooyadiis.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa maxkadda  horkeenay cadeymo iyo qiraal, ku aadan in dilka uu Mukhtaar Ibraahim Isxaaq u geystay hooyadiisa.

Garsooraha Maxkamada Gobolka Bay Axmed Sheekh Nuur Zaki , ayaa sheegay in ninkaan uu dilay hooyadiis oo lagu magacaabi jiray kheyrto Shariif Xasaniyo.

Garsooraha Maxkamadda oo soo xiray fadhiga ayaa xukun dil toogasho ah ku xukumay Mukhtaar Ibraahim.