Somali News

Xukun maanta lagu riday nin kufsi ka geystay Gedo.

Garbahaarey-KNN-Maxkamad ku taala Magaalada garbahaarey ee Gobalka Gedo ayaa maanta waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday nin lagu eedeeyay inuu haweenay kufsaday, kadibna dilay.

Falkan kufsiga ayaa waxaa uu dhawaan ka dhacay duleedka degmada Garbahaarey ee Gobalka Gedo.

Guddoomiyaha Maxkamada degmada Garbahaarey Maxamed Sheekh Cabdi Raxmaan ayaa warbaahinta u sheegay in maanta xukun lagu riday  ninka kufsiga u geystay haweenayda, islamarkaana sharciga la marsiiyay.

Maalmihii dambe waxaa gobalada dalka ka dhacay kiisas la xiriira kufs, kaasi oo saameyn ku yeeshay Shacabka soomaaliyeed.