Somali News

DDS oo ka hadashay eedeyn loo jeediyay

Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa beenisay dhaliil uga timid qeyb kamid ah mucaaradka oo sheegay in musuq maasuq xooggan uu sabab u yahay sicir bararka taagan.

Guddoomiyaha Xisbiga Xoriyadda & Sinnaanta (FEP), Ibraahim Maxamed Xuseen (Sheekh Ibraahim Dheere) oo shalay u warramay BBC-da ayaa ku eedeeyay maamulka Jigjiga in gawaari lacag Itoobiyaan ah ay geeyaan Wajaale, taasina ay wax badan u dhintay sarifka dollarka.

Haddaba wasiirka warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida, Cabdulqaadir Rashiid oo arrintaa ka jawaabaya ayaa sheegay in aanay suuragal ahayn in dhaqaalo intaa dhan laga musuq-maasuqo deegaanka.