Somali News

Xukuumadda oo maamulada qaar ku eedeysay in dano gaar ah ay ka leeyihiin sharciga Batroolka

Muqdisho-KNN-Wasiirka Batroolka xukuumadda Soomaaliya oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay arinta ku aadan diidmada maamul goboleedyada qaar ay kala horyimaadeen sharciga Batroolka ee dhowaan ay meel mariyeen xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdirashiid Maxamed Axmed wasiirka Batroolka Soomaaliya ayaa sheegay in maamul goboleedyada diiday sharcigaas ay diidmadooda ka leeyihiin dano gaar ah, isgoo sheegay in laga tala galiyay, taasi oo hadey jirto meesha ka saarweysa doodoodii aheyd in aan laga tala galin sharcigaas.

Maamul goboleedyada kala ah Puntland, Galmudug iyo Jubbaland oo iyagu ka soo hor jeestay sharcigaas markii ay Xildhibaanadu meel mariyeen ayaa baaq arintaasi ku aadan waxa ay u direen beesha Caalamka, iyagoo xukuumadda ku eedeeyay in sharcigaasi uu yahay mid iyaga ugaar ah oo aysan ku laheyn wax talaa.