Somali News

Xulka Qaranka oo guul muhiim ah ka gaarey dhigiisa Suudaan

Cayaartoyda Soomaaliya ee da,doodu ka yartahay 18 sano ayaa guul muhiim ah ka gaaray dhigooda Dalka Sudaan kaddib Cayaar ka tirsanayd Cecafa Under 18.

Cayaartaan oo ay ka dhacayday Garoon kubadda Cagta ah ee ku yaalla Dalka Kenya ayaa Soomaaliya waxa ay 3- 0 kaga adkaatay Dalka Suudaan.

Waana guul muhiim ah oo ay keeeneen Cayaryahannada Soomaaliya ee Cayaaraya Tartanka Cecafa Unser 18ka.

Kulanka soo socda haddii ay badiyaan Cayaaryahannada Soomaaliya waxa ay u gudbi doonaan Wareegga xiga ee Koobka Cecafa Under 18ka.

Bilowga Tartankaan oo ay Soomaaliya wada cayaareen Dalka Uganda ayaa Cayaaryahannada Soomaaliya waxaa looga adkaaday 1-0 inkastoo Cayaartoyada Soomaaliya ay muujiyeen dedaal dheeri ah hayeeshee aysan usuurtagelin in ay dhaliyaan wax goolal ah.

Garoonka maanta ay ku cayaarayeen Soomaaliya iyo Suudaan ayaa waxaa buux dhaafiyay Soomaalida Kenya joogta kuwaasi Cayaartoyada Dalkeena u sameynayay dhiiri gelina sidaanne ay guusha dhankeena ku raacday.