Somali News

Xuutiyiinta Yemen oo duqeeya markab dagaal oo marayay badda cas

Kooxda Xuutiyiinta ee gacan-saarka la leh Iran ayaa sheegtay masuuliyadda, weerar cusub oo lagu qaaday markab laga leeyahay dalka Ingiriiska iyo weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ka dhan ahaa markab dagaal oo Maraykanku leeyahay.

Xuutiyiinta ayaa sidoo kale waxay sheegteen inay qaadeen weeraro loo adeegsaday gantaallada meelaha durugsan gaadha, oo ay la beegsadeen, magaalada dekedda ah ee Eilat ee dalka Isra’il.

Sheegashada masuuliyadda weeraradan oo kooxda Xuutiyiintu ay ku baahiyeen bogga ay ku leeyihiin X, ayaa ku soo beegmaya, waxyar uun ka dib markii uu hoggaamiyaha kooxdaasi sheegay inay kordhinayaan weerarada ka dhanka ah maraakiibta isticmaalaysa badda cas iyo xataa biyaha kale ee caalamiga ah, si ay uga horyimaaddaan hawlgallada milateri ee Israa’iil ay ka waddo marinka Qaza.

Xuutiyiinta ayaa bilaabay bishii November ee sannadkii hore, weeraro loo adeegsanayo gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, oo ka dhan ah maraakiibta maraya biyaha badda cas, si ay taageero ugu muujiyaan Falastiiniyiinta.