Somali News

Yariisow oo Weerar Afka ah ku qaaday Wasaaradda Caafimaadka

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa weerar ah Afka ah ku qaaday Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, kadib markii Maamulka Gobolka iyo Wasaaraddu ay isku fahmi waayeen hanaanka loo maamulayo howlaha Caafimaad ee gobolka Banaadir

Guddoomiye Yariisow ayaa Wasaaradda Caafimaadka ku eedeeyey in ay u xusul duubeyso howlihii caafimaad ee maamulka Gobolka Banaadir loo igmaday.

Maamulka Gobolka ayaa horay usoo saaray Buug caafimaad, kaas oo ay kasoo horjeesatay Wasaaradda Caafimaadku, maamulka ayaa Buugaas ku sheegay in rabo in ay qaataan dadka aadaya dalka dibadiisa.

Qaar ka mid ah Bulshadda Soomaaliyeed oo ka hadlay aragtidooda ku aadan Buugaas uu soo saaray maamulka Gobolku, ayaa sheegay in uu yahay caqabad Bulshada dhaqaale looga sameynayo.