Somali News

Yemen oo la gaarsiiyay Talaalka covid 19

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dalka Yemen uu helay shixnaddii ugu horreysay ee tallaalka Covid-19, toddobaad kadib markii dowladda Yemen ay ka digtay in dalka uu wajahayo musiibo caafimaad.

UNICEF, ayaa sheegtay in seddax meelood meel halkii milyan ee tallaalka AstraZeneca ee dalkaasi loogu talagay ay gaareen dekedda koonfureed ee Cadan.

Isbaheysi uu hogaaminayo Sacuudiga ayaa la dagaalamayay fallaagada Xuutiyiinta Yemen muddo lix sano ah, si ay dib ugu soo celiyaan dowladda uu caalamku aqoonsan yahay ee madaxweyne Abdrabbuh Mansur Hadi.

Hay’adda cunnada adduunka ee WHO, ayaa sheegtay in tallaaladan ay noqonayaan kuwa wax ka tara dhibaatada ba’an ee arimaha bani’aadannimo ee adduunka haatan ka jirta.