Somali News

Zelenesky oo booqday jiidda hore ee dagaalka

Madaxweynaha Ukraine Volodmyr Zelenesky ayaa booqashadi ugu horreysay ku tagay jiidda hore ee dagaalka.

Zelenesky oo magaalada Kharkiv maanta booqday wuxuu soo muuqday isaga oo ku labbisan direyska ciidamada Ukraine.

Madaxweynaha oo si weyn ugu soo shaac baxay duullaanka Ruushka uu dalkiisa ku qaaday geesinimadiisa waxaa lalal mid dhigaa Winston Churchill.

Wuxuuna booqasha taa la mid ah uu ku soo maray caasimadda Kyiv, waxaana laga soo duubay muuqaallo isaga waddooyinka magaalada dhexmaraya.

Muuqallada Zelenesky laga duubay ayaa lagu micneeyey farriin ku socota madaxweynaha Ruushka Viladmir Putin iyo ciidamadiisa.