Somali News

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz oo wasiirka ugu tegay booqasho sharafeed.

Sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali, labada masuul waxay ka wadahadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo wax-wada-qabsiga shucuubta labada dalka.

“Kulankani oo ahaa booqasho xushmadeed oo Safiirka Turkiga uu ugu tagay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa looga wadahadlay adkaynta iskaashiga dheef-wadaagga ah ee dhinacyada amniga, ganacsiga, dhaqanka iyo dalxiiska, iyadoo la isla gartay, sidii looga wada shaqayn lahaa ka dhabaynta himilooyinka qaran ee labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah,” ayaa lagu yiri qoraal ay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ka soo saartay kulankaas.