Somali News

Puntland oo soo gudbisay Guddiga Doorashooyinka Puntland ee heer federaal

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u soo gudbiyay magacaabista xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee heer Federaal.

Guddigan oo ka kooban sideed xubnood waxa ay kala yihiin:

1. Cabdikariim Muuse Maxamuud
2. Mouse Cabdiqaadir Ducaale
3. Axmed Cabdi Maxamuud
4. Ceynaanshe Yuusuf Xuseen
5. Caydaruus Axmed Faarax
6. Cabdirisaaq Cabdulle Faarax
7. Farxiya Xuseen Maxamuud
8. Canab Xaaji Saleebaan Warsame

Hore waxaa Ra’iisulwasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ugu soo gudbiyey guddiyada doorashada dowlad goboleedka Jubbaland iyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

Hoos Ka Akhriso