Somali News

Abiy Axmed oo ku gacan seyray codsi uga yimid madaxda is-maamulka Tigray

Addis Ababa-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa diiday codsi ahaa in wadahadal nabadeed lagu soo afjaro dagaalka ka socda gobolka Tigray.

Madaxweynaha gobolka TigrayDebretsion Gebremichael ayaa codsi Midowga Afrika kaas oo ah in wadahadal lagu dhameeyo xiisadda.

Balse Abiy, qoraal uu soo dhigay Twitter-ka wuxuu ku sheegay ‘In aysan jirin doonin wax wadahadal ah tan iyo inta sharciga iyo kala danbeynta dib loogu soo celinayo’

Boqolaal qof ayaa ku dhintay dagaallada ka socda Tigray.

Sidoo kale,guddoomiyaha guddiga Midowga Moussa Faki Mahamat ayaa shaley baaq u diray labada dhinac si xabadda loo joojiyo.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu sheegay in howlgalka militeri ee ka dhanka ah Tigray loo fulinayo qaabkii loo qorsheeyay.

Wuxuu intaas ku daray in howlgalka la joojin doonto tan iyo inta hub ka dhigis lagu sameynayo kooxaha abaabulan ee dambiilayaasha ah.