Somali News

Abiy oo ku goodiyey in dhawaan soo afjarayo howlgalka ka dhan ka ah madaxda Tigrey

Addis Ababa-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay waxa uu ku tilmaamay ‘Howlgalka dhanka sharciga ah’ in dhawaan uu soo afjari doono ‘dambiilayaasha dhibaatoooyinka geystay si sharciga loo horkeeno.

“Howlgalka dhanka sharciga ah waxaa looga golleeyahay xaqiijinta amniga iyo xasiloonida si dhammaan dambiilayaasha qaswadyaasha ah loo horgeeyo caddaallada” ayuu ku yiri qoraal uu Abiy soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Xiisadda ka dhex taagan dowladda federaalka Itoobiya iyo is-maamulka gobolka Tigray ayaa gashay in ka badan toddobaad, dagaal ayaa ka dhacay deegaano dhowr ah oo dhaca gobolka Tigray tan iyo Arbacadii la soo dhaafay.

Mas’uuliyiinta Tigray waxay ugu baaqeen Midowga Afrika in xaaladda ay farageliyaan si wada xaajood looga sameeyo colaadda ka taagan gobolkaas ee u dhaxeysa maamulka iyo dowladda dhexe.