Somali News

Afhayeenka Booliska oo ka hadlay Xaalada Suuqa Bakaaraha

Muqdisho-KNN-Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Cabdifatax Aadan Xasan oo warbaahinta kula hadlay Guddaha Suuqa Bakaaraha ayaa shegay in aysan aqbali doonin in amar kale lagu xirro goobaha ganacsigga ee ku yaallo suuqa Bakaaraha.

Afhayeenka ayaa sidoo kale shegay in aysan cidna xiri karin goob ganacsi marka laga reebo in ay u xirto amar kasoo baxay oo kaliya Dowladda, waxa uu shegay in Ciddii amar kasoo baxo Kooda daacish u xirto ganacsigeeda ay iyagga la shaqeeyso, una aqoon San doonan in ay si toos ah ula shaqeeyaaan.

Waxa uu shegay in ay sameeyeen Goobo boolis oo badan kuwaa oo ujeedka ay usameyeen uu yahay in ay ku ilaalinayaa ganacsatadda suuqa Bakaaraha, isagoona shegay in cidii wax tabaneeyso ay la xiriirto Booliska.

Afhayeenka Booliska ayaa ugu danbeeyntii sheegay in ay tahay xaalada Suuqa mid caadi ah oo ay shaqeynayaan Goobaha ganacsiga sidii uu horay ugu shaqeeyn jireen.

Hadalka Afhayeenka ayaa kusoo aadayo xili maanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ganacsatada suuqa Bakaaraha ku amartay in lafuro suuqa bagaaraha kaa oo cabsi laga qabo Daacish u xiranaa ilaa Arbacdii la soo dhaafay .