Somali News

AKHIRSO:-Madaxweyne Xaaf oo fariin u diray Dowladda Dhexe.

Muqdisho-KNN-War-Saxaafadeedka ka soo baxay Maamulka Galmudug ayaa waxaa looga hadlay ciidamadii xalay la wareegay madaxtooyadii hore ee Galmudug ee Magaalada Cadaado.

“Ma aha in taag-darri loo qaato Dulqaadka iyo u turidda Dowladda Galmudug. Galmudug marna gorgortan kama galeyso amnigeeda iyo wadajirka deegannadeeda. Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Galmdug meel kasta oo ay joogaan in ay nagu gacan-siiyaan difaaca deegaankooda iyo midnimada dowladdooda’ sidaasi ayaa lagu yiri qoraalka Galmudug.

Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay in ay hubiyaan in taageerada ay Soomaaliya siiyaan loo adeegsan burburinta iyo colaad hurinta Soomaalida dhexdheeda.