Somali News

AKHRISO:-Golaha wasiirada Hirshabelle oo isku shaandheyn lagu sameeyay.

Jowhar-KNN-Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa uu isku shaandheyn uu ku sameeyay golahiisa Wasiirada, isagoona uu sidooo kale magacaabay wasiiro cusub.

Madaxweyne Waare ayaa waxa uu wasiirada cusub ee uu magacaabay kasoo xulay xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi.