Somali News

Akhriso:-Taariikh nololeedka Cali Khaliif Galeyr

Allaha u naxariistee Cali Khaliif Galyr waxaa uu ku dhashtay magaalada Laascaanood ee xarruunta gobolka Sool sanadka markii oo ahaa 1941.

Cali Khaliif Galeyr waxaa uu ahaa aqoonyahan, darajada tacliinta maadiga ah ka gaaray P.h.D, waxbarashadiisa asaasiga aheyd illaa dugsiga sarre waxaa uu ku soo qaatay magaalada Shiikh ee gobolka Togdheer.

Waxaa uu ahaa Macalin, halka sidoo kale uu ahaa shaqaale dowladdeed, oo qeybo kale duwan dowladnimada ah kasoo shaqeeyay.

Waxaana uu waxbarasho ku soo dhameystay, Jaamacad ku taalo magaalada Bosto ee dalka Mareykanka.

Galayr ayaa waxaa uu ka qeyb galay siyaasada Soomaaliya wixii ka dambeeyay 1966-dii.

Sidoo kale wuxuu ka shaqeyn jiray warshada sonkorta oo ku taalo magaalada Jowhar, isagoona la shaqeen jiray warshadaha caalamka, gaar ahaan kuwa Ingriiska.

1979-kii Galayr waxaa loo doortay in uu kamid noqdo baarlamaanka Soomaaliya.

1989 ilaa 1996 Galayr waxaa uu Barafasoor ka ahaa Jaamacad ku taalo dalka Mareykanka.

Mr Galayr ayaa sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay shirarkii Carta ee Jabuuti lagu qabtay 1999 .

Sanadka markii uu ahaa 2000 madaxweynihii Dowladdii kumeel gaarka aheyd Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa waxaa uu u  magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya

Cali Khalliif Galeyr waxaa uu 2001 ciidamadii Itoobiya ka saaray gobolka Gedo iyaga oo heystay 1996 ilaa 2001dii.

Cali Khaliif Galeyr ayaa hadda ahaa madaxweynaha maamulka Khaatumo oo ka taliya gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.