Somali News

Akhriso: Wararkii u dambeeyay ee Shirka Dhuusamareeb

Iyadoo uu magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug weli ka socdo shirka Wadatashiga Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee maanta furmay, ayaa waxaa soo baxaya qodobada madaxdu si gaar ah u dul istaageen.

Ilo ku dhow shirka ayaa sheegaya in qodobka maanta sida gaarka ah looga hadlay uu yahay arrinta gobolada Woqooyi ee Somaliland, kaasi oo kamid ah qodobada salka u ah muranka Doorashada.

Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa la hadlay Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi, waxaa ay ku wargeliyeen arrinta Somaliland inay ka soo heshiiyaan isaga iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayna wixii ay ka soo wada hadlaan u soo gudbiyaan shirka.

Wararkii u dambeeyay ee shirka ayaa sheegaya in madaxdu ay caawa shir labaad isugu yimaadeen, iyagoo ka wada hadlaya qodobada kale ee salka u ah muranka Doorashada.

Warbaahinta ayaa dhammaan shirarkan dibad joog ah, waxaana ugu dambeyn la filayaa gebo-gabada in laga soo saaro war-murtiyeed.